Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa War kasoo saartay dadka Soomaalida ah ee ka imaanaya dibadda kadib markii la fasaxay muddo 2 maalmood ah inay dalka yimaadaan Soomaalida ku xayiran dibadda.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadka Soomaalida ah ee ka imaanaya 14 dal oo ah kuwa uu sida ugu weyn ugu faafaya cudurka Coronavirus in la karaantiilayo muddo 14 maalmood ah, halka dadka kale ee ka imaanaya dalalka kale laga rabo inay guryahooda isku karaantiilaan mudaddaas, kana fogaadaan goobaha dadku isugu yimaado.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA