Wasiirka Arrimaha Gudah Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay taagerayaasha Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo inay taageeraan Alshabaab.
Wasiirka ayaa taageerayaasha Farmaajo ee CBB loo yaqaan ku daray saddex qeybood oo Dadka marin-habaabinaya, kana horjeeda howlgallada ka dhanka ah argaixisada Al-Shabaab ee ka socda Gobollada Dalka.
Wasiir Fiqi ayaa saddexdan kooxood ku bilaabay Alshabaab oo iyagu dagaalku ku socdo, kuwaas oo shacabka kacdoonka wada ku tilmaamay ‘Burcad iyo Mooryaan’, wuxuuna kooxda labaad ka dhigay taageerayaasha Farmaajo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Kooxaha Shakiga ka qaba howgalka ee dacaayadaha ku wada ay kala yihiin:
1- Kooxda 1aad: Waa Argagixisada nafteeda ayaa waxaas wada, Cali dheere ayaana dadka uu ceelashada ka qarxiyey ee masaajidda ku weerarray marka ay hubka qaateen ku tilmaamay ‘Mooryaan’
2- Kooxda 2aad: ee wax buunbuunisa ee shakiga qabta waa kuwo ku fashilnay nidaamkii hore (Farmaajo) oo Shabaab u ogolaatay inay Dekedda Canshuur ka qaataan oo Dhagaxaanta dhufeesyada la rabay baadiyaha in ay ku sameystaan ku sameeyay Wadada Maka Al-Mukarrama, Kooxdaas & CBB-deeda dacaayad ayey wadaan.
3- Kooxda 3aad: waa Koox Deegaankoodu nabad ah oo dhulal nabad ah ka yimid oo rabta in ay gafane Dadka ku dhex nool oo quuta dadkaan oo dhiiggooda jiqa
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkaan ka sheegay Barnaamij uu qabtay TV-ga Universal.
