Wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumadda Xilgaarsiinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaalla ayaa ka haray tartanka kursiga beeshiisa oo muddo dheer uu olole ugu soo jiray.
Xalay xilli danbe ayaa lasoo saaray liiska odayaasha soo xulaya kursiga HOP069, waxaana muddo dheer dagaal hoose kursigan ku jiray ay beesha leh u badatay inuu dib ugu soo laabto xildhibaankii ku fadhiyey ee C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa).
Qoraal uu soo saaray C/raxmaa Al-cadaalla ayuu ku yiri: “Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa Adeerkeey Abdurahman Mohamed Hussein oo noqonaya Xildhbaanka i matalidoona afarta Sano ee soo socota insha allaah”.
Wuxuu u mahadceliyay saaxiibadii labada Sano kala shaqeeyay ololahii uu kursiga ugu jiray, wuxuuna xaruntiisa ugu tegay xildhibaanka uu la tartami lahaa, balse uu hadda uga haray ee C/raxmaan Odowaa.
Dhinaca kale C/raxmaan Odowaa ayaa u mahadceliyey musharixii kasoo horjeeday ee tartanka ka haray. “Waxaan u mahad celinayaa Wasiir ku xigeenka warfaafinta wiilkayga Abdirahman Yusuf Omar sida sharafta iyo xurmadda leh ee uu iigu tanaasulay. Waxaan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan anoo ballan qaadaya inaan gacmaha is qabsanno si aan ugu adeegno bulshadeenna”
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-cadaalla ayaa ah Gacan-yaraha Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ee Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna gacan ku yeeshay arrimaha Doorashooyinka, iyadoo lagu eedeeyay inuu ka shaqeeyay soo saarista iyo kala reebidda musharixiinta kuraasta qaar ka mida beelaha Banaadiriga iyo Somaliland.
