Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wasiir Goodax waxaa la socda xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, waxayna magaalada Beledweyne u tageen sidii ay u xalin lahaayeen xiisada ka dhalatay xil ka qaadista guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)
Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa kacsan iyadoo Yuusuf Dabageed uu diiday inuu xilka wareejiyo, isla markaana Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ay ku adkaatay inuu xaliyo xaaladda ka taagan magaalada Beledweyne.
Wasiirka Waxbarashada iyo xildhibaannada oo ay ka mid yihiin xildhibaan Nuur Iidow Beyle, Maxamed Xasan Qoone, Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle Xildhibaan Farxiya Muumin Cali iyo Xildhibaan Maxamed Cusmaan Faarax ayaa kulamo la yeelan doona dhinacyda isku haya arrinta Gobolka Hiiraan iyo odayaasha Hiiraan.