Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda xilgaarsiinta Durraan Axmed Faarax ayaa qeylo-dhaan kasoo saaray kursiga beeshiisa oo uu sheegay in si sharci darro ah loo maray doorashadiisa.
“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada iska leh kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay #Hop166 u caddaynaya in si baal marsan habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo 2022 loo maamulay doorashada kursigaas.” ayuu yiri Wasiirka oo Qoraal kasoo saaray arintan.
Wasiir Durraan ayaa sheegay in Nabadoonada beesha ee kursigu ka dheexyo aan wax door ah la siin. “Xubnaha Xulaya Ergada iyo ergada ay soo xuleenba maahan kuwo haysta matelaad bulsho” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa shaaciyey inuu arrinta Kursiga HOP166 ku faahfaahin doono shir Jaraa’id. Waa qeylo dhaantii ugu horeysay ee ka timaada Wasii xil haya oo u sharaxnaa kursi Xildhibaan.
