Jeneraal Abuukar Warsame Xuud ayaa maanta ka degay magaalada Muqdisho, isagoo la socdo Taliyaha ciidmada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi, waxaana garoonka loogu diyaariyey saraakiil badan oo k atirsan milateriga Soomaaliya.
Jeneraal Xuud oo ka horjeeday maamulka Hirshabeelle, Maleeshiyo Beeleed ku urursaday Hiiraan, Duurkana u galay inuu la dagaalamo maamulka Hirshabelle ayaa hadda aqbalay inuu ka tanaasulo jabhadnimadii, wadahadalna la furay sarkaal wakiil ka ahaa madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wuxuu ka hadlay tanaasulka iyo go’aanka uu qaatay isagoo yiri: “Soomaali waxaan u sheegayaa maanta, Waxaan u tanaasulay inuusan burburin Qaranka Soomaaliyeed.. Arrinta aan aniga u imid waa mid federaal ah.. Ragga la heshiin waayey ayaan rabaa inaan isu keeno”.
“Waxaan usoo baxay waa inaan baadigoobo xuquuqdii naga maqneyd meel kasta oo ay ku jirtana aan ka keeno… dadka la boodboodaya wararka waxaan leeyahay warxuma-tashiilka iska dhaafa, dadka yaan la isku dilin, nabad iyo wanaag wax ka fiican ma jiraan..” ayuu yiri Jeneraal Xuud oo ka hadlay magaalada Muqdisho.
Isagoo ka hadlay doorashada magaalada Beledweyne ayu uyiri: “Doorashada waa inay si habsami leh uga dhacdaa Gobolka Hiiraan, waa inaan lagu dagaalamin buuna ka dhicin, Gobolka ayey dan u tahay, dadka isku dayaya inay carqaladeeyaan, haka fogaadaan..”.
Taliyaha cidiamada Dhulka Jenaraal Biixi ayaa uga mahad celiyay Jeneraal Xuud inuu qaatay nabad, taasina ay fure u tahay guul iyo nabad laga gaaro Gobolka Hiiraan.
