Wasiirrada Arrimaha dibadda dalalka IGAD ayaa kulankooda 72-aad ee Caadiga ahaa Khadka Internetka ku yeeshay 24-kii June 2021, wxaana guddoomisay Dr. Mariam Al-Sadig Al-Mahdi oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan.
Shirka waxaa looga hadlay xaaladda gobolka sida: Geeddi-socodka Nabadda Koonfurta Suudaan, xaaladda COVID-19, Doorashooyinka Soomaaliya iyo dadaaladda xalka waara ee qaxootiga iyo barakacayaasha Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.
Arrimaha Soomaaliya ayey Wasiirku bogaadiyeen madaxda Soomaalida, hoggaamiyaasha shanta Dowlad goboleed iyo musharixiinta inay gaareen is-afgarad lagu soo afjaray khilaafkii mudada dheer soo jiitamayey isla markaana loo jeexay khariidad loo maro Doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka Soomaaliya;
Wasiirada IGAD waxay soo dhoweeyeen natiijooyinka taariikhiga ah ee ka soo baxday wadahadalkii ay hormuudka ka ahayd Soomaalidaa ee Doorashooyinka, waxayna dib u xaqiijiyeen taageerada Doorasho loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo iyadoo lagu saleynayo heshiisyadii 17-kii Sebtember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021;
Waxay taageero buuxda fidiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya;
Wasiirada Arrimaha dibadda IGAD waxay ugu baaqeen Beesha Caalamka inay siiso Soomaaliya wixii farsamo iyo dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah hirgelinta Heshiisyada iyo qabashada doorashooyinka; iyo inay IGAD, AU, UN iyo beesha caalamka inay sii laba laabaan dadaalkooda wadajirka ah ee lagu taageerayo dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabab.
Wasiirada shirka ka qey galay waxay kala ajaayeen: Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti; Amb. Birtukan Ayano, Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ee Federaalka Itoobiya; Ababu Namwamba, Xoghayaha Maamulka Sare ee Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya; Maxamed Cabdirisaaq, Wasiirka Arrimaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Amb. Beatrice Khamisa Wani, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Koonfurta Suudaan; iyo Lt. Gen. Odongo Jeje Abubaker Haji, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Jamhuuriyadda Uganda.
