Thursday, July 3, 2025

Wasiirada Arrimaha dibadda Somalia, Itoobiya iyo Eritrea oo wadajir u tegaya dalka Jabuuti

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Dowladaha Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritrea ayaa wadajir u tegeya dalka Jabuuti dadaal lagu doonayo in xal loogu raadiyo colaadda ka dhex jirta dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo Soomaaliya ay hoggaamineyso.

Soomaaliya ayaa dadaal u gashay in xal loo helo colaadda dalalka Jabuuti iyo Eritrea, waxaana shirkii ay Asmara ku yeesheen madaxda saddexda dal lagu go’aamiyey inay saddexda wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay tagaan magaalada Jabuuti, halkaasi ay kula kulmaan madaxda Jabuuti sidii  loo soo afjari lahaa xurgufta labada dal.

Saddexda hoggaamiye ee dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya xalay heshiisyo iskaashi, amni iyo dhaqaale ku saxiixay magaalada Asmar ee dalka Eritrea, waxaana arrimaha laga wadahadlay ka mida ahaa xiisadda ka dhex taagan dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON