Thursday, June 26, 2025

Wasiirka Amniga oo Amar kasoo saaray Arrin ay dhibaato weyn ku qabeen Dadka Muqdisho [Dhageyso]

Wasiirka Amniga Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa amar ka soo saaray arrin dhibaato weyn ay ku qabeen dadka magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ka hadlayay shir wareeg ka dhaca degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay cabashada dadweynaha iyo adeegyada dowladda ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Sabtida 23-ka September la joojiyay Aqoonsigii (ID) la weydiin jiray dadka gaadiidka ku wata magaalada.

Wasiir Ducaale ayaa sheegay in cabashado badan ay kasoo gaartay dadka Muqdisho, dhammaantoodna aysan ahayn dad u shaqeeya dowladda ama heysta aqoonsi, sidaas darteedna uu joojiyay in dadka lagu dhibo aqoonsi.

Wasiirka Amniga Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)
Wasiirka Amniga Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)

DHAGEYSO WASIIRKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON