Tuesday, July 15, 2025

Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada & Maamulka G/Banaadir oo shir ka yeeshay Xaaladda Amniga Muqdisho [Sawirro]

Shir looga hadlayo xaaladda amniga caasimadda oo uu guddoominayo Wasiirka Amniga, ayna ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada iyo maamulka G/Banaadir ayaa galabta lagu qabtay xarunta maamulka G/banaadir.

Kulanka ayaa ka danbeeyay weerarkii Alshabaab ku qaadeen xarunta Otto Otto ee wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha, waxaana looga dooday sidii loo dardar gelin lahaa amniga la xiriira iyo sidii ay wadashaqeyn u dhexmari lahayd shacabka iyo hay’adda ammaanka.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa Warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada, taasoo ku saabsaneyd amniga caasimada iyo howlgalada socda, waxaana la xoojiyey feejignaanta ciidamada.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka Xuseen Maxamed Nuur ayaa kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la isla qaatay sidii loo xoojin lahaa amniga.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Image may contain: 1 person

Image may contain: 3 people, people sitting and closeup

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON