Wadahadal lagu doonayo in xal loogu helo xiriirka sii xumaanaya ee  dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa u socda madaxda labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad  oo ka mid ah wafdiga Sacuudiga uga qeyb galay shirka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in madaxda labada dal ay u socdaan wadahadallo.

Wasiirka oo wareysi siiyay VOA-da ayaa beeniyay in dalal kale ay ku dhex jiraan labada dal, sida Sacuudiga, wuxuuna sheegay inaysan jirin wararka sheegaya in Sacuudiga uu dhexdhexaadinayo labada dal.

Dowladda Imaaraadka ayaa xalay ku dhawaaqday inuu joojisay howshii tababarka ciidamada Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ku eedeeysay inay la wareegtay lacag loo waday taageerada ciidamada Soomaaliya.