Macalin Jaamacadeed oo lagu dilay Muqdisho & Gaari Ciidan oo Caawa lagu weeraray Magaalada

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dil qorsheysan uu caawa ka dhacay magaalada, kaasoo ah kii labaad ee isla maanta la soo weriyo.

Koox Hubeysan ayaa caawa xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile ku dilay qof rayid ah oo la sheegay inuu macallin ka ahaa mid ka mida Jaamacadaha Magaalada Muqdisho oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Caddow Nuur.

Dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayen bistoolado, waxayna ka baxsadeen goobta markii ay dilka fuliyeen, waxayna arrintan ka dambeysay  dil kale oo isla maanta sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska loogu geystay degmada Yaaqshiid.

Dhinaca kale waxaa caawa Gaari nooca dagaalka ah ciidan lagu weeraray agagaarka Warshadda Caanaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana saarnaa Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay in weerarka gaariga loo adeegsaday qoriga Baasuukaha ee RPG, waxaana qarax weyn laga maqlay xaafadaha ku dhow goobta weerarku ka dhacay, waxayna wararku qaarkood sheegayaan in qarax miino uu haleelay Gaariga.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka Muqdisho, waxaana magaalada Muqdisho maanta ka dhacay dilal qorsheysan iyo weerarka lala beegsaday ciidamada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,933FansLike
554FollowersFollow
2,433FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

107,933FansLike
554FollowersFollow
19FollowersFollow
2,432FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!