Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal uu u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku dalbaday in laga noqdo canshuur dhaafkii loo sameeyay gunnada ay qaataan xildhibaannada Golaha shacabka.
Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle sheegay in aan wax canshuur ah laga qaadin gunnada xildhibaanad wixii ka dambeeya October 2017 lana bilaabi doono canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada.
Warqada ayaa lagu sheegay in talo bixin dhanka sharciga ah lala sameeyay Garyaqaanka Guud ee dowladda, taasoo lagama maarmaan noqotay in dib looga nodo canshuur dhaafkii loo sameeyay Xildhibaanada Golaha shacabka.
C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa wuxuu tilmaamay inuusan hadda jirin sharci qeexaya in canshuur laga qaado Shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay, balse wuxuu sheegay in arintaasi ay socoto qorshaheeda.
Wuxuu sheegay qof waliba oo muwaadin ah oo dalka ku sugan inay waajib ku tahay bixinta canshuurta, balse hadda dadka qaar aanan la qaadin, sababo ku aadan in shuruucda looga qaadayo iyo nidaamka hadda ay socoto.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa sheegay inuu socdo qorshe canshuur looga qaadaayo shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay.
C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa wuxuu tilmaamay inuusan hadda jirin sharci qeexaya in canshuur laga qaado Shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay, balse wuxuu sheegay in arintaasi ay socoto qorshaheeda.
Wuxuu sheegay qof waliba oo muwaadin ah oo dalka ku sugan inay waajib ku tahay bixinta canshuurta, balse hadda dadka qaar aanan la qaadin, sababo ku aadan in shuruucda looga qaadayo iyo nidaamka hadda ay socoto.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA