Dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay weerarkii Qaraxyada iyo dagaalka tooska ahaa ee shalay ka dhacay baraha laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya kadib 12 saacadood oo markii uu falkaasi dhacay.
Qaraxyada oo ay Alshabaab sheegatay isla markaana ahaa warka ugu weyn ee shalay oo dhan socday ayay wasiirka Warfaafinta ku qaadatay inuu war kasoo saaro xalay saqdii dhexe markii falkaasi ay kasoo wareegtay in ka badan 12 saacadood.
Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ka hortageen Qaraxyadii iyo weerarkii ay soo maleegeen dagaalamayaasha Al-shabaab, wuxuuna intas ku daray inay ciidamadu ku amaanan yihiin sidii ugu hortageen Qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa kooxda Al-shabaab ay soo qaadeen.
“Ciidamada Amiga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka, oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax. Ciidamadu waxay ku guuleysteen in ay hor istaagaan arxan-laawayaasha dhiigga shacabka caadaystay ee Al-Shabaab in ay gaaraan goobta ay qaraxa la damacsanaayeen. Kadib markii rasaas ay huwiyeen, ayaa mid ka mid ah 2 gaari oo qarax laga soo buuxiyay wuxuu ku qarxay meel u dhow taaladda SYL, waxaa sidoo kale ay ciidamadu Isla goobta ku dileen dhowr ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ee la marin-habaabiyay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Wasiir Daahir oo xukuumadda ay u xil saartay ku hadalka magaca xukuumadda, kadib markii uu Ra’iisal wasaare Kheyre ku soo saaray inaysan arrimaha qaraxyada iyo amniga ka hadli karin cid aan ahayn Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasiirkeeda ayaa waxaa isbedel weyn ku yimid qaabkii ay xukuumadda saxaafadda ula hadli jirtay, waxaana isbedelkaasi laga dareemayaa warbaahinta dowladda.
Afhayeenno kala duwan iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayey caado u ahayd inay saxaafadda la hadlaaan marka qaraxyo dhacaan, waxayna qaarkood isku sawiri jireen goobaha qaraxyadu ka dhacaan iyadoo warbaahinta u sheegi jiray hadallo mararka qaarkood xaqiiqada ka fog.
Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa la yimid qaab cusub oo shalay keenay in markii ugu horeysay la waayo warkii dowladda ee wixii ka dhacay magaalada Muqdisho, taasoo dadka qaarkii ku micneeyeen inay xukuumaddu ka daashay arrimaha qaraxyada Alshabaab iyo fashilka amniga ee Muqdisho ka taagan.