Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa olole doorasho xooggan ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, si uu ugu soo baxo xubinnimada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Cabdirisaaq oo ku jira liiska musharixiinta u taagan doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guda jira kulamada uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada, si uu u xaqiijiyo in uu si weyn ugu guuleysto kursiga xildhibaannimo.
Labada Kursi ee HOP198 iyo HOP199 ayaa la filayaa inay musharixiinta beesha Cumar Maxamuud ee wasiirku kasoo jeedo ku loolamaan si furan, waxaana kursiga hore hadda ku fadhiya guddoomiyaha Xisbiga Himilo Saleebaan Maxamuud Xaashi, kaasoo la filayo inay is wajahaan Wasiir Maxamed C/risaaq iyo musharixiin kale.
Qoraal uu maanta soo saaray Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda ayuu uga deyriyey qaabka saami qeybsiga kuraasta, laakiin wuxuu caddeeyay inuu u taagan yahay tartanka Doorashada xildhibaannimo, una dagaalami doono.
“Qoondada kuraasta #HOP198 & #HOP199 ee ay maanta cuqaasha beelaha sameeyeen waa cadaalad darro, waana unaan sheego. Iyadoo ay taasi jirto, waxaan halkan ku xaqiijinayaa musharaxnimadayda. Dhab ahaantii, tani waa fursad aad ugu dagaallanto si dhab ah oo dimuqraadi ah iyo nidaam matalaad ah.” ayuu Wasiir Maxamed C/risaaq ku yiri qoraal soo dhigay barta twitter-ka.
Rajada Musharax xildhibaan iyo wasiir hore Maxamed Cabdirisaaq ayaa ah mid wanaagsan, wuxuuna miisaan ku leeyahay qeybaha siyaasadda iyo bulshada ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.