Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somalia & K/Galbeed oo Diyaarad Helikobtar u qaatay tegay Baraawe

Wafdi ay hoggaaminayaan Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Wasiirka Gargaarka xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee Gobalka Sh/Hoose.

Wafdiga oo diyaarad helikobtar ah ka raacay garoonka Muqdisho ayaa waxaa ka mida Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Xukuumadda Somalia iyo Maamulka K/Galbeed Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose. waxaana la sheegay inuu safarkoodu la xiriiro qiimeynta xaaladda degmada iyo garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe oo dhismihiisu marayo heer gabgabo ah.

Wararka laga helayo degmada Baraawe ayaa sheegay in aad loo adkeeyay amnigeeda, waxaana ciidamo badan la dhigay wadooyinka magaalada iyo degaanada u dhow.

Ad

Maleeshiyada Alshabaab ayaa u dhow degmada Barawe oo ay weerarro kaga soo qaadaan mararka qaarkood, waxayna hore madaafiic ugu tuureen magaalada xilli ay booqanayeen madaxda dowladda iyo kuwa maamulka K/Galbeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

126,414FansLike
1,078FollowersFollow
3,211FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!