Iyadoo ay socdaan xafladihii xil wareejinta ee ay wasiirada xukuumadda cusub kula wareegayeen xilalkooda ayaa maanta lagu wadaa inay dhowr wasiir la wareegaan xilalka.
Wasiirada maanta xilka la wareegaya waxaa ka mida wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan Maxamed oo xilalka kala wareegaya wasiiradii hore C/sallaa Hadliye iyo C/raxmaan Ceynte.
Labad wasiir ee cusub ayay tahay markii ugu horeysay ee ay xil wasaaradeed qabtaan, waxayna labaduba soo mareen xilal safiirnimo. Yuusuf Garaad ayaa isagu muddo aad u kooban ahaa Ergeyga Soomaaliya u jooga Q/Midoobay.
Wasaaradaha kale ee maanta xilalka lagula kala wareegayo waxaa ka mida: Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaaradda caafimaadka.
Goobjooge.com