Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee uu soo magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa lagu tilmaamaa golihii ugu dhalinyarada badnaa ee soo mara dalka.
Sidaasoo ay tahay waxay kaloo ku caan baxeen inay noqdeen Golihii ugu khibrada yaraa marka la eego inta xil dowladeed hore u soo martay ama aqoon u leh.
Wasiirada qaarkood waxaa muuqata inaysan qaadi karin xilalka loo dhiibay oo khibrad ahaan iyo da’ ahaan aanay ehel u ahayn, laakiin waxaa jira ballanqaad ah in isbedel lagu sameynayo uu ay jeediyeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Qeybtan koowaad waxaa ku eegeynaa saddex ka mid dhalinyarrada ka mid wasiirada cusub oo kala ah:
WASIIRKA GAASHAANDHIGA
Wasiirkan wuxuu ka mida yahay kuwa looga fadhiyo dib u soo nooleynta Qarannimada Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dhiska ciidamada xoogga dalka, sidaas darteed in shaqadaas adag loo magacaabo qof aan khibrad ciidan lahayn ama da’diisu ka yar tahay qof xusuusta waayihii ay Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ugu xoogga badan afrika waxay noqotay mid su’aal badan ka taagan tahay.
In Wasiirka Gaashaandhigga lag soo xulo saaxiibtinimo iyo inay Ra’iisal Wasaaraha iskala shaqeyn jireen urur NGO ah, ayaa iyaduna caddeyn u ah inaan dalkan laga rabin horukac, laakiin muwaadin kasta xaq ayuu u leeyahay inuu xil u qabto dalkiisa, lagana yaabee inay dhaamaan kuwa kaga haboon, waana taas rajada kaliya ee taagan.
WASIIRKA HOWLAHA GUUD IYO DIB U DHISKA
Xilkan Wasiir waa mid aad u weyn oo qofka qabanaya lagu soo xulo khibrad iyo inuu ehel u yahay nooca shaqada ee loo dhiibayo, laakiin miisaanka ay leedahay wasaaraddan in loo magacaabo wiil dhalinyar oo dhowaan lala yaabay sidii uu xildhibaan ku noqday, kana soo laabtay xeryaha Qaxootiga, waxay ahay lama filaan kale oo dadka qaarkii u daliishadeen inaan dowladnimo hana qaada dalkan laga rabin.
Lagama muwaadinsana wasiirka cusub ee howlaha guud, laakiin inuu qaxooti ka soo laabto oo xildhibaan uu noqdo waxay ahayd farxad iyo reynreyn in wasiir ka tan weyn loogu daro isagoo xildhibaaniimadiisa barasho ka rabtase waxay u eg tahay ka badbadis aan loo meel dayin.
WASIIRKA HAWEENKA
Waa wasiir kale oo da’ yar kuna soo biirtay xukuumadda cusub, waxay kasoo shaqeysay urrurada haweenka ee bulshada rayidka ah, marka wasaaradda loo dhiibay loo eego waa qof ku wanaagsan, yaanay khibrad xil dowladeedba lahaanine.
LA SOCO QEYBTA 2-AAD
Waxaa diyaaryay: Goobjooge.com