Odayaasha Beesha leh kuraasta tirsigoodu yahay HOP267, HOP268, HOP279 ayaa ku eedeey ay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo gacan siinaya Wasiiru-dowle ka tirsan xukuumadiisa.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ayey odayaashan ku sheegeen in Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa uu boobay kuraastii beesha, isla markaana uu sameystay odayaal uu isagu keensaday, isagoo awood iyo gacan-ka-hadal uu adeegsaday odayaashii rasmiga ahaa ee Beesha Ciise.
Odayaasha Beeshan ayaa dalbaday in la joojiyo doorashada kuraasta la shaaciyey in lagu dooranayo magaalada Muqdisho, inta laga xalinayo boobka kuraastooda oo ay sheegeen in loo sameystay ergo aan jirin oo been ah.
Waxay ku hanjabeen inay tegi doonaan xarunta Guddiga Doorashada ee SEIT Somaliland ayna halkaas ka tegi doonin inta arrintooda laga xalinayo xitaa haddii la dilayo.
