Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerar ku qaaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, magaalada Muqdisho.
Weerarka ayay kooxdan u adeegsatay rasaas iyo Bambooyin, waxaana la maqlayay rasaas loogu jawaabay oo daqiiqado socotay, iyadoo ciidamada ilaalada xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ay weerarka iska caabiyeen.
Dableyda oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa la sheegay inay baxsadeen kadib weerarka ay ku qaadeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kadib markii in muddo ah ay qas weyn ku abuureen xarunta.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladda ay caadi ku soo noqotay weerarka kadib, iyadoo aan la soo werin wax qasaare ah.