Wednesday, June 25, 2025

Weerar lagu qaaday Ciidamo ku sugan Magaalada Beledweyne iyo Qasaare ka dhashay

Wararka laga helayo magaalada Beleweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar Ban lagu qaaday ciidamo ku sugnaa afka hore ee magaalada laga soo galo.

Weerarka ayaa la sheegay in loo adeegsadya Bam gacmeen, waxaana ku dhaawacmay  Saddex askari oo ka tirsan Ciidamada dowlada oo ku sugnaa  Afaafka hore ee laga soo galo dhinaca Waqooyi e Magalaada Baladweyne.

Dadka degaanka ayaa sheegay saddexda Askari ee dhaawacmay  ka mida uu  dhaawaciisa culus yahay, halka labada kale ay dhaawacyadoodu yihiin kuwo fudud. Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Caga joof ayaa xaqiijiyey weerarka.

Afhayeenka ayaa sheegay in Bamgacmeedkan  uu dhawac fudud u ka soo gaaray askar ka tirsan Ciidamada Booliska, isla markaana ciidamada ay gacanta ku soo dhigeenn dad lagu tuhunsan yahay weerarkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON