Monday, July 7, 2025

Weerarka & Dilkii C/weli Sh. Cilmi Yare oo Doodii ugu kululeyd ka shiday Baraha Bulshada [WARBIXIN]

Waxaa baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto hareeyay doodii ugu kululeyd ee ka dhalatay dal qarax iyo weerar isugu jira oo saaka aroortii lagu qaaday xarun uu magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad muran badan dhaliyey  oo lagu magacaabo C/weli Sheekh Cilmi Yare.

Dadka ayaa ku kala qeybsamay weerarka Alshabaab ay sheegtay iyo dilka Wadaadka muranku ka taagnaa iyadoo dad badan ay falkaasi bogaadiyeen, soona dhoweeyeen, iyagoo sabab uga dhigay inuu ninkani u gefay Nebi Muxamed NNKH, isla markaan ay sax ahayd in la khaarijiyo, kuwaasi waxay ahaayeen dadkii ugu badnaa ee mowqifkaasi qaatay.

Qolada labaad ayaa si weyn uga hor timid qaraxa iyo dilka Wadaadka, waxayna ku doodeen inuu ka mid yahay dadka Alshabaab sida xaqdarrada ah ku disho oo aanu waxba ka duwaneyn shacabka maalin kasta Alshabaab ku leyso Koonfurta Soomaaliya.

Akhriso: Wararkii ugu danbeeyay weerarkii Gaalkacyo iyo Alshabaab oo dilay Sheekh C/weli Cilmi [Sawirro]

Inkastoo Arrinta Wadaadka C/weli Sheekh Cilmi yare ay muddo soo jirtay culimo badanina ay ka hadleen arrintiisa oo qaarkood ay caddeyeen inuu diinta islaamka baxay, ayaa haddana qaraxa lagu dilay wuxuu soo shaac bixiyey qaabka ay dadka Soomaalida u fekeraan, waxayna dadka qaarkii oo baraha bulshada wax ku qora ku tilmaameen in Soomaalida inteeda badan ay Alshabaab taageersan tahay.

Akhriso: Alshabaab oo Amar Dil ah ku xukuntay Nin Gaalkacyo ku nool oo ku gefay Nebi Muxamed NNKH

Laba qolo oo ka sii farcantay laba kooxood ee Doodu ku dhex mareyso baraha bulshada ayaa sii xag jirta. Qolada taageerada dilka Wadaadka ku fogaatay waxay soo bandhigeen bishaaro iyo hambalyo ku aadan qaraxa iyo dilka ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo.

Akhriso: Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan kasoo saaray Nin lagu sheegay inuu yahay Nebi [Akhriso]

Qolada kale ee sida xagjirka ah Wadaadka u taageeray waxay dagaalkooda la aadeen feker iyo Wabaahiyada oo ay sheegeen inay ka dambeyso gaaleysiinta iyo dilka dadka masaakiinta ah, waxayna tani caddeyn u noqotay kala qeybsanaan weyn oo bulshada u dhaxeysa.

Sax iyo khalad wixii uu noqdo qaraxa iyo dilka Wadaadka iyo dadkii la joogay, waxaan su’aal ka taagneyn inay dalka ka maqan tahay dowlad xoog leh oo dalka gacanta ku wada heysa, isla markaana fulisa sharciga iyo cadaaladda.

GOOBJOOGE.NET

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON