Sunday, July 13, 2025

Weerarkii Alshabaab ee Hotel SYL oo 12 Saacadood kadib lasoo Af-jaray iyo Faahfaahinta

Weerarkii Alshabaab ku qaaday hotelka SYL ee u dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goor dhoweyd lasoo afjaray, kadib 12 saacadood oo dagaal uu ka dhex socday Hotelka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Amniga oo dagaal la galay dableyda Alshabaab ay Hotelka ku dhe dileen shan maleeshiyo, halkaas oo lagu soo gabagabeeyay weerarka Alshabaab.

Weerarka ayaa ku bilowday Qarax xoog leh, waxaana Hotelka gudaha ugalay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab, iyadoo muddo ka dibna gudaha Hotelka laga maqlay qarax kale, kadina waxaa hotelka howlgal ka bilaabay ciidamada dowladda.

Alshabaab ayaa si degdega u sheegatay weerarka, waxayna baraha bulshada ku baahineysay warar ku saabsan weerarka iyo codad laga duubay dableyda ka dhex dagaalameysa Hotelka SYL.

Dhinaca kale Hay’adaha Amniga dowladda federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka gaabsaday ka hadalka weerarka ilaa iminka, iyadoo markii hore laga soo xigtay in qaraxa uu ahaa Hoobiye.

Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarka oo weli aan si rasmi ah loo xaqiijin, waxaana dhaawacyo kasoo saareen xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimaale, Xoghayahaya Gobolka Banaadir Feysal Caraalle Afrax, Taliyaha Haramcad. Cabdixamiid Fanax iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Weriye Xasan Cadde.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON