Weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka Pearl Beach ee Xeebta Liido ayaa lasoo afjaray waaberigii saaka, sida lagu sheegay Wararka lagu baahiyey Warbaahinta Dowladda Soomaaliya.
Weerarka oo socday muddo ka badan 10 saacadood ayaa ku bilowday laba Qarax oo is-miidaamin ah, waxaana Hotelka gudaha u galay dabley ka tirsan Alshabaab oo muddo saacado ah gudaha Hotelka kula dagaalamayey ciidamada amniga.
“Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka argagixiso ee naf la caariga ahaa ku soo qaaday hotelka Pearl Beach ee xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ammaanku waxa ay toogteen Khawaarijtii weerarka soo qaaday.” ayaa lagu yiri warka ay faafisay warbaahinta, iyadoo aan la bixin faahfaahin kale.
Inta uu socday hawlgalka ciidamada ammaanka waxa ay gudaha hotelka ka soo badbaadiyeen shacab farabadan oo goobta ku sugnaa, laakiin qasaare iyo burbur culus ayaa ka dhashay weerarka sida ay xaqiijiyaan dadkii laga soo badbaadiyey.
Qasaaraha weerarka ayaa dib laga oo sheegi doonaa, sida lagu sheegay warka kasoo baxday Dowladda Soomaaliya, laakiin baraha bulshada waxaa hareeyay dad la la’ yahay, muuqaalada dad ku dhintay weerarka iyo qaar kale oo ku dhaawacmay.
Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarka ku dishay 28 qof, waxayna Warbaahintooda baahineysay wareysiyo lala yeelanayo dableyda ka dhex dagaalameysay Hotelka.