Friday, June 27, 2025

Weriye caan ah oo loo doortay Senatoorad ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Haweeney weriye caan ah ayaa ku guuleysatay Xildhibaannimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo ka soo jeeda degaanada Somaliland.

Muna Cumar Xasan oo ahayd weriye ka howlgala warbaahin kala duwan, haddana ka shaqeyn jirtay TV-ga Qaranka ayaa loo doortay Senatoorad ka tirsan Aqalka sare.

Kursiga 4aad ee doorashada Aqalka Sare ee beelaha Somaliland waxaa ku tartamay Muna Cumar Xasan & Deeqo Maxamed, waxaana 32 cod ku guuleysatay Muna Cuma Xasan.

Guushan ayaa ka dhigan inay tahay haweeneydii ugu horeysay ee loo doorto Aqalka Sare beelaha ka soo jeeda Somaliland, doorashada ka socota magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON