Waxaa goor dhoweyd la shaaaciyey in Weriye Nuuradiin C/llaahi Coljoog uu kusoo baxay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyey natiijada kursiga tirsigiisu yahay HOP246 oo ay u tartamayeen Nuuradiin Cabdilaahi Coljoog iyo Maryam Maxamed Nuur.
Maryam Maxamed Nuur ayaa ka hartay tartanka Doorashada, waxaana cod gacantaag ah oo lo oqaaday Nuuradiin C/laahi Coljoog uu helay kalsoonida 96 ergo, sidaana natiijada hordhaca ah ayuu kusoo baxay Weriyaha. Kursiga HOP#246 waxaa hore ugu fadhiyey xildhibaan Axmed Maxamed Jaamac
Weriye Nuuradiin C/llaahi Coljoog ayaa kasoo shaqeeyay warbaahinta kala duwan ee Somaliland oo uu ku jirto Telefishanka SLNTV ee maamulku leyahay, intii aanu ka tegin degaanadasi oo Muqidsho u soo wareegin, isagoo markaas w wareegay Telefishanka Universal-Muqdisho, wuxuuna maanta noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Baraha bulshada dadka Somaliland kasoo jeeda ayaa si weyn u hadal haya in weriye ka cararray Somaliland uu xildhibaan ka noqday Soomaaliya.!.
