Maxkamadda Darajada koowad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday Wiil lagu helay inuu Miinooyinka Diyaarsan u qaadi jiray Alshabaab, isagooka howlgeli jairay Gobollada SH/Hoose iyo Baay.
Ninkan oo lagu magacaabo Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) ayey Ciidanka Nabadsugida kasoo qabteen degmada Afgooye 13-kii Bishii June 2022, isagoo waday howsha uu Al-Shabaab ugu qabilsanaa Qaraxyada.
War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Eeney Ureyn uu Al-Shabaab ku biiray isagoo aad u yar, isla markaana ku sugnaa degaanka Ceel-Bashiir ee hoostagta Deagmada Buur-hakaba, isagoo ku qanciyay ka mid ahaanshahooda.
Sarkaalka uu ka hoos shaqeeyo ee Alahbaab ayaa si joogto ah ugu dhiibi jiray Miinooyin diyarsan kadibna, wuxuu geyn jiray degmada Buur-hakaba isagoo isticmaalaya mooto Feekon, wuxuuna dhigi jiray hadba meeshii uu markaas u arko in ay dadka isugu yimaadan.
Qareenka u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in ay Maxkamadda u fiiriso sifaha danbi fududeya Maadaama uu Eedesanaha Qiraal yahay.
Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu danbeyn Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) ku xukuntay Xabsi Daa’in 21-kii Bishan November, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Cali Axmed Cali oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.
