Xafiiska Ra’iisal wasaaraha waxaa maanta ka dhacday xil wareejin meesha looga saaray Xoghayihii Joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi.
Waxaa xilka la wareegay wiil ka tirsanaa shaqaalaha ka howlgala Xafiiska Madaxweynaha ee Villa Somaliya, kaasoo lagu magcaabo C/risaaq Xuseen Aaden, kaasoo uu xilka u magacaabay Ra’iisal wasaare ku xigeenka xilka sii haya oo Madaxweynaha u magacaabay ku-simaha Ra’iisal wasaaraha.
Magacaabddan oo sharci ahaan muran ka taagan yahay ayaa hore si dedgeg u dhacday, waxaana maanta xilkii xoghaynta xafiiska Ra’iisal Wasaaraha lagu wareegay C/risaaq Xuseen, iyadoo munaasabadda uu goobjoog ka ahaa sii-hayaha wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud iyo howlwadeeno ka tirsan xafiiska hanti-dhowrka.
Xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee sida degdega ah xilka looga qaaday Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi ayaa ka mid ahaa shaqsiyaad ay Madaxtooyada dooneysan inay meesha ka saarto, taasoo uu diidanaa Ra’iisal wasaarihii is-casilay ee Xasan Cali Kheyre; wuxuuna nqoday mas’uulkii ugu horeeyay ee xilka laga qaado Kheyre kadib.


