Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya inay faragelin ku heyso maamulkiisa, iyadoo wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku lug leedahay faragelintaasi.
Xaaf ayaa magaalada Dhuusamareeb uga dhawaaqay in wasaaradda arrimaha gudaha Somalia ay qabsatay Labo cisho oo arrinta ay ku xaliso, balse aysan wax jawaab ah siinin iyagoo ku sugnaa Muqdisho, kadibna ay go’aansadeen inay ku laabtaan Dhuusamareeb.
“Waan wada aragnay wasiirka arrimaha gudaha, waan ballanay oo laba berri ayuu noo qabtay, war naguma soo celin anagana waan iska soo dhoofnay, arrinta uu hadda ku dhex jiro waxaan u aragnaa faragelin qayaxan.. Galmudug waa maamul baarlamaan iyo Gole wasiiro, ciddii shaqsiyaad ah oo bannaanka istaageysa iyada ayey u taallaa…” ayuu yiri Xaaf oo digniin adag u diray dowladda Federaalka.