Tuesday, July 1, 2025

Xaaf: “Qoorqoor wuxuu ahaa Dubbi-hii la ii adeegsaday 3-dii sano ee aan xilka Galmudug hayey…”

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa si kulul ula hadlay madaxweynaha xilligan ee Galmudug Axmed Qoorqoor, isagoo xusuusiyey xaaladii ay isla soo mareen.

Xaaf oo hadda musharax u ahaa kursi ka tirsan Aqalka Sare ayaa xaflad ka dhacday Muqdisho ka hadlay isagoo si aan gabasho lahayn u dul maray dhibaatadii uu Qoorqoor ku hayey inuu xilka Galmudug hayey iyo rajada uu ka qabo inuu xilligan ka hor imaan musharaxnmadiisa.

“Qoorqoor wuxuu ahaa Dubb-ihii la ii adeegsaday saddexdii sano ee aan meesha joogay, isaga iyo ragga uu watay… Caddaado ninkii labada sano aan ka tegi waayey ee aan dul marayey ayuu ahaa.. Istaafeyga kuwii laayey ayey aahaayeen ciyaalkiisa..” ayuu yiri Xaaf oo ka taariikheeyay Qoorqoor.

Wuxuu Beesha Saleebaan ku dhaliiyay in markii uu Qoorqoor xilka qabtay aysan oran in fadhiga Baarlamaanka Galmudug la geeyo magaalada Cadaado. “Maalintii Baarlamaanka keen cadaado ma oran Saleebaan, gogosheediina awal waan ka aamuseynay laakiin hadda waan dhiganeynaa .. Laba sano diyaarad ayaan ku hor mari jiray, Qoorqoorna maalintii ugu horeysay ayuu tegay, taasina jawaabteeda Saleebaan waa laga rabaa..” ayuu si kulul u yiri Axmed Geelle Xaaf.

Wuxuu sheegay inuusan fileyn inuu Qoorqoor shaki gelin doono musharxinimadiisa, kana doonayo cadaalad, laakiin wixii 2016 ka dhacay Cadaado haddii lasoo celiyo uu dhici doono Yowmul Qiyaama, sida uu yiri.

Axmed Geelle Xaaf wuxuu ku baaqay in gacan la siiyo Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu sheegay inuu imtixaan adag ku jiro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON