Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay magaalada.
Ciidamada Ahlu suna oo magaalada gacanta ku haya ayaa waxaa soo wajahay olole dagaal oo uga imaanaya iidamada Maamulka Galmudug iyo maleeshiyo fadhigeedu ahaa degaanka Xeraale.
Ciidamada Galmudug ayaa la wareegay degaanka Mareergur saaka, iyadoo ciidamada dagaalka qaraar ku dhex maray Ahlu suna dedaanka Xeraale ay kusoo dhowaadeen Magaalada dhuusamareeb.
Waxaa magaalada lagu arkay ciidamo ka tirsan Ahlusunna oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, kuna jira diyaargarow xoog leh si ay isaga difaacaan weerarrada ku soo fool leh, iyadoo Ahlu suna ay hadda dareemeyso xaalad dagaal.
Dadka magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay soo wajahday cabsi ku saabsan dagaal ku soo fool leh magaalada markii ay arkeen diyaargarowga ciidamada Ahlu suna.