Wednesday, July 9, 2025

Xabad-joojin laga gaaray dagaalkii Gaalkacyo iyo Madaxweynaha Galmudug oo ku sii jeeda magaalada

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo oo shalay dagaal culus ku dhex maray ciidamo kala taabacsan maamulka Puntland iyo Galmudug ayaa sheegaya in kulan ay maanta Suuqa Bartamaha ee Magaalada Gaalkacyo ku yeesheen Waxgarad iyo Ganacsato ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa laga soo saaray heshiis xabad joojin ah oo dhowr qodob  ka kooban.

Kulanka waxaa laga soo saaray saddex qodob oo saldhig u  noqonaya joojinta dagaalka Magaalada Gaalkacyo. Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mida:

In xabadda la joojiyo

In la kala qaado Ciidamada is hor fadhiya

Iyo in laga wada hadlo wixii dhaliyay dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo isagoo la filayo inuu ka qeyb qaato dejinta xaalada colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON