Monday, January 17, 2022

Xafiiska Q/Midoobay ee Somaliya oo War kasoo saaray Qarixii Is-miidaaminta ee Muqdisho

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa war kasoo saaray qarixii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in lagu beegsaday shaqaale ka tirsan Hay’adaha UN-ka.

UNSOM ayaa beenisay in shaqaale ama Qandaraalayaal ka tirsan lagu beegsaday Qaraxa. “Si ka duwan wararka qaar ee horay u soo baxay, ma jiraan shaqaale Qaramada Midoobay ka tirsan ama qandaraaslayaal ah oo ku jiray kolonyada la beegsaday” ayaa lagu yiri Qoraalka UNSOM.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ah ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna tacsi u dirtaya ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, iyadoo u rajeysay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah.

Ad

Warar hore u soo baxay ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu beegsaday saraakiil caddaan ah, waxaana sheegatay Alshabaab, iyadoo aan la caddeyn cidda ay ahaayeen saraakiishaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!