Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay Heshiiska Doorashada ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.
Qoraal kooban oo u soo saaray ayuu ku yiri: “Waxaan soo dhoweynayaa in dalku doorasho aado, waqtiga & nooca doorashadana laga heshiiyay iyada oo laga fogaanayo muddo kordhin. Waxaan ku baaqayaa fulinta qodobada lagu heshiiyay.”
Kheyre oo tan iyo intii uu is casilay mar qura shaaciyey inuu yahay musharax Madaxweyna ayaa sheegay in Doorashada ay ku xiran yihiin arrimaha amniga, dhaqaalaha & dhammaan horumarka dalka.
