Sunday, July 13, 2025

Xasan Cali Kheyre: “Waxaan shaacinayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JF Somaliya”

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray Bayaan ku saabsan xaaladda siyaasadda ee dalka iyo go’aan uu ku gaaray inuu isu sharxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya Doorashada soo socota ee 2020/2021.

Qoraalka musharaxnimada Ra’iisal wasaarihii hore ayaa u qornaa sida soo socota:

Bismillah, Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay. Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo. Mahadsanidiin

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii uu xilka Ra’iisal wasaaraha isaga casilay khilaaf ku saabsan xaaladda Doorashada Dalka oo dhex maray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo 3 sano iyo Bar ah uu lasoo shaqeeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON