Tuesday, June 24, 2025

Xasan Kheyre iyo Mahdi Khadar oo kulankii ugu horeeyay 5 Bilood kadib ku yeeshay Magaalada Garowe

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan magaalada Garowe kula yeeshay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyagoo ka wada qeyb galaya shirka Aragti-wadaagga Heritage ee ka socda Garowe.

Mahdi Guuleed ayaa xaruntiisa ugu tegay Ra’iisal wasaarihii hore, wuxuuna qoraal kooban ku yiri: “Waxaan Caawa Hoyga uu ka deganyahay Garoowe ku booqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka mudane Hassan Kheyre” mana jiraan wax faafhaahin ah oo laga bixiyey wadahadalka dhex marzy.

Shirkan oo ka mid ahaa shirarka barbar socda Madasha ka socda magaalada Garowe ayaa inta badan looga hadlaa xaalada dalka iyo arrimo shaqsi, iyadoo Ra’iisal wasaare ku xigeenka uu ahaa saaxiib u dhow Ra’iisal wasaarihii hore.

Mahdi Guuleed ayaa noqday Ra’isal wasaaraha xilka sii haya markii uu meesha ka baxay Xasan Kheyre, kadibna wuxuu isu bedelay mas’uulka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ee sida weyn u difaaca.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON