Ra’iisal wasaarihii hore musharax Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay Bannaanbixii Jicmaha Berri ka dhici lahaa caasimadda Muqdisho.
Kheyre oo taageerayaashiisa la hadlayey ayaa sheegay in heshiis is afgarad ah lagu gaaray dib u dhigista Bannaanbaxa, laakiin aysan ka tanaasulin xuquuqdooda Dastuuriga ah, iyadoo dib laga soo sheegi doono xilliga Bannaanbaxa dhacayo.
“Meel aan bannaanbax ka dhici karin Doorasho xor ah kama dhici karto.. haddii aan bannaanbax lagu aamini karin Doorasho laguma aamini karo.. dowladnimadu waxay rabtaa dulqaad iyo in la aqbalo Dastuurka oo isku haya dadka.. Waxaan kusoo bixi doonnaa anagoo kumanaan ah magaaladoo dhan, sababtoo ah inay dalkan ka dhaco Doorasho xor ah waa xaq ay dadku leeyihiin” ayuu yiri Kheyre
Musharax Xasan Kheyre oo aan ka qeyb gelin shirkii Hotelka Decale ku dhex maray Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya, wuxuuna daqiiqado warkiisa kasoo hormaray shirka jaraa’id ee kulankaasi oo kadib la qabtay.
