Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay afgembiga uu isku dayey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qoraal uu soo saaray Xasan Sheekh ayuu ku yiri: “Waxaan cambaareynayaa afgambiga milatari ee uu isku dayay madaxweynihii hore. Ummadda Soomaaliyeed waa ay soo jeeddaa waana feejigan tahay”.
Wuxuu ku baaqay laalinta sharciyadda dimuqaraadiga ah ee uu dalka ku dhisan yahay iyo in la garab istaaggo Ra’iisul Wasaaraha si dalka looga hirgeliyo doorasho.

Warar Xul ah