Tuesday, July 1, 2025

Sidee RW Rooble ku tegay Xafiiskii ay ka qabsadeen Ciidamo ka Amar qaata Farmaajo..?

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa tegay xafiiskiisa, kadib markii ay la wareegeen ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Rooble oo ay wehliyaan, kuxigeenkiisa, qaar ka mida taliyayaasha cidimada ayaa socod lug ah ku galay xafiiskiisa, markii ay hor istaageen ciidamada ka amar qaata Farmaajo, waxaana uu jebiyay xayiraadii la saaray xafiiska.

Wararka aya sheegaya in cidiamadii uu Farmaajo dul dhigay xafiiska Ra’iisal wasaraaha ay kala qeybsameen, intooda badanna ay Ra’iisal wasaaraha u ogolaadeen inuu shaqadiisa wato. Waxa sidoo kale inay dhexdhexaad yihiin isu muujiyey taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Milateriga.

Farmaajo ayaa isku dayey inuu joojiyo shaqada Xafiiska Ra’iisal wasaraha, isla markaana aan kala diraan Shaqaalaha xafiiska, laakiin tallaabadaasi ayaa markii dambe fashilantay.

Rooble ayaa xafiiskiisa gaaray, isagoo bilaabay shaqadiisii caadiga ahady, waxaaan qoraal uu soo saaray uu ku sheegay in Madaxweynihii hore ‘Farmaajo’ uu ku fashilmay afgembi uu isku dayey, ayna sharci darro tahay wareegtada uu shaqada uga joojiyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON