Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mida Musharixiinta madaxweynaha Mucaaradka ayaa si cad u diiday amarro ay soo saartay xukuumadda xilka sii heysa ee ku saabsanaa bannaanbax ka dhacay Muqdisho.
“Bannaanbaxa Jimcaha waan tageynaa, ma baaqaneyno.. ma hakaneyno.. anagaa horkaceyna.. warkooda dheg jalaq qof u siineyso ma leh.. Run loogama baran, dadka inay wanaag faraan laguma baran, dadka inay ixtiraamaan laguma baran.. warkoodana cid yeeleyso ma jirto…” ayuu yiri Xasan Sheekh oo taageerayaashiisa kula hadlay goob laga abaabulayey bannaanbaxa Muqdisho ka dhici doona.
Wuxuu sheegay in dadka dibad baxa ka qeyb galaya ay soo qaadan doonaan afxir, qofkii aan heysanna la siin doono. Wuxuuna caddeeyay in dadka lagu aamusiyo ay tahay dhaqankii laga keenay Kacaankii keli-talisa ahaa.
