Monday, June 23, 2025

Xasan Sheekh: “Diyaar ayaan u nahay Doorashada, Afartii sano wax kaleba kama shaqeyneynin…”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsan diyaargarowga Doorashada ee mucaaradka oo muddooyinkan danbe la hadal hayey.

“Annagu afartii sano ee lasoo dhaafay wax kaleba kama shaqeyneyn, waxaan u diyaar garownay doorasho weyn oo qof iyo cod ah inay dalka ka dhacdo, balse hadii loo noqonayo tii 2016-kii, waaba ka fududahay taan fileynay inay dhici doonto, marka wararka sheegaya in mucaaradku aysan diyaar uma ahan doorasho, waxba kama jiraan” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey SAAB TV.

Xasan Sheekh ayaa dhaliilay dib u dhaca magacaabidda xukuumadda cusub oo uu sheegay inaysan caqabad ku noqoneynin Doorashada oo ay tahay inay dhacdo  “In la dhiso xukuumad cusub waa loo baahan yahay, doorka xukuuumadduna waa in shaqada ku leh howsha socota, dhismahooda ay fudeeyaan, si doorashadu dhib la’aan ugu dhacdo, laakiin heshiiska Doorashada waa heshiis la sharciyeey oo gaara..” ayuu yiri Madaxweynihii hore.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON