Friday, July 4, 2025

Xasan Sheekh: “Dowladdaan waxay ku jirtaa dulqaadka Dadka Muqdisho, Dadka yaan laga daba geynin, haddii kale..”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u cambaareeyay falkii Shariif Sheekh Axmed looga hor istaagay inuu diyaarad u raaco magaalada Kismaayo.

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho saacado kadib shirkii jaraa’id ee Shariif sheekh Axmed ayuu uga hadlay Xasan Sheekh inay sharci darro ah hawada la xirayo iyo xayiraadda la saaray magaalada Kismaayo, wuxuuna ka dalbaday madaxda dowladda Somalia inay ka waantoobaan dhaqanka sharci darrada ah iyo ku takri falka awoodda iyo maamulka hawada Soomaaliya oo socod dheer loo soo maray.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhaqanka keli-taliska ah uu shalay dalkan ku burburay, maanta oo Soomaaliya ay soo kabaneyso aysan suuragal ahayn in dib loogu celiyo, wuxuuna difaacay nidaamka federaalka ee lagu ansixiyey shirkii dib u heshisiinta ee dalka Kenya ka dhacay.

“Qof iyo xukuumadda ma diidi karaan, mana hor istaagi karaan qof iyo xukuumad, jid dheer iyo dhibaato ayaa loo soo maray federaalka iyo dowlad Goboleedyada.. wax badan ayaa qabyo ah oo u baahan in dadka Soomaaliyeed ka wadahadlo..” ayuu yiri Xasan Sheekh oo dowladda ugu baaqay inay dib u heshiisiin fududeyso iyo wadahadal.

“Dadka lagu kari la’ yahay in dowladnimada wax ku daraan.. dulqaadka iyo dowlad jaceylka ay qabaan dadka Muqdisho ayey dowladani ku jirtaa… dadka yaan laga daba geynin… wixii shalay dhacay waa la garanayaa…. hoggaanka waxaan kula dardaarmeynaa inaan dadka derbiga lagu geynin..” ayuu digniin ku bixiyey Xildhibaan Xasan Sheekh.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON