Madaxda dowladda Federaalka ayaa kulan ka yeeshay shaqaaqada ka dhalatay safarkii ay magaalada Boosaaso ku aaday Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre oo ay wehliso Sacdiya Yaasiin ayaa ka hadlay dhacdadii 11-kii bishan ka dhacday Garoonka magaalada Boosaaso oo laga soo celiyay Diyaaradii siday Sacdiya Yaasiin, isla markaana uu dagaal qasaare badan dhaliyey ku dhex maray ciidamada Badda iyo kuwa PSF ee Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay ku qanciyeen Xildhibaan Sacdiya inaysan qaban shir jaraa’id oo u qorsheysnaa, kana hadlin dhacdadaasi, kadibna ay xiriir la sameeyeen madaxweynaha Puntalnd Siciid Deni, iyagoo qaatay wixii khalad ahaa ee safarkaasi ka dhashay, kana cudurdaartay inaysan ka War heynin.
Siciid Deni oo ku sugnaa dalka Imaaraadka markii shaqaaqadu ka dhacday Boosaaso ayaa hadda la sheegay inuu joogo magaalada Adis ababa, waxaana uu lahaa amarka dib loogu celiyey Diyaaradii ay la socotay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka oo Diyaaradda ay la socotay ay gargaar u siday Gobolk Bari.
Waxaa la qorsheeyay in Puntland ay tagaan Madaxda dowladda Federaalka, inkastoo aan waqti rasmi ah loo qaban, si labada dhinac uga wadahadaleen wada-shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamulkaasi.