Sunday, July 13, 2025

Xasan Sheekh oo Baaq culus soo saaray, kuna taliyey in la garab istaago RW Rooble (Daawo)

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in garab istaago oo lala shaqeeyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan bogaadinayaa dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda xiisadda ka dhalatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa, sidoo kale waxaan soo dhaweynayaa shirka uu ku baaqay 20-ka bishan” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud oo dhinaca kale taageeray dadaallada uu wado Rooble.

Wuxuu ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya inay Ra’iisul Wasaare Rooble ku garab istaagaan hirgelinta doorasho xor ah oo dalkeena ka dhacda.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON