Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay saameynta uu ku yeeshay weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka Villa Rays ee ku dhow xarunta Madaxtooyada 27 Novembar 2022.
isagoo maqaal uu ku qoray wargeyska “The Guardian” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in habeenkii weerarku socday oo dhan uu Gurigiisa ka maqlayay rasaasta iyo qaraxyada dhacaya, balse uu maalintii xigtay iyadoo weerarku socdo uu magaalada ka furay shirkii Maalgshiga Soomaaliya.
“Isbuucii lasoo dhaafay, Soomaaliya waxa ay markii ugu horreysay qabatay Shirka Maalgashiga Caalamiga ah. Maalin ka hor inta aanan furin kulankaas taariikhiga ah, waxaa jiray weerar argagixiso oo ka dhacay hotel u dhow xafiisyada madaxtooyada, kaasoo si laga murugoodo u galaaftay nolosha dad aan waxba galabsan kuwo kalena ku dhaawacmeen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Sheekh.
Wuxuu Xasan Sheekh ka hadlay sida ay xaaladdu ahayd habeenka uu weerarku socday iyo tallaabada uu qaaday marka uu waaga baryay. “Habeenkii oo dhan waxaan maqlayay rasaasta, weerarkuna wuu socay marka uu shirku furmayay, ilaa laga soo afjaray galabtii, taasoo ku suurtagashay geesinnimada ciidamada ammaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
HALKAN KA AKHRISO QORMADA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH
