Monday, June 23, 2025

Xasan Sheekh oo Madaxweyne Erdogan kala hadlaya Cabashada Soomaalida ku nool Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal ku jooga dalka Turkiga ayaa xalay kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Turkiga.

Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, isagoo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa xubno ka tirsan Soomaalida Turkiga ka dhageystay xaaladda ay ku nool yihiin, waxayna la wadaageen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga.

Ad

Soomaalida Turkiga ayaa muddooyinkii danbe wajahayey olole ka dhan ah oo lagu beegsanayo ganacsiyadooda iyo xarig joogto ah oo si gaara Soomaalida loogu hayo, iyagoo dareemay cunsurinimo iyo in Hay’adaha Amniga Turkiga ay si gaara Soomaalida u beegsanayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay Jaaliyadda Turkiga in caqabadaha heysta Dhammaan Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON