Tuesday, June 24, 2025

Xasan Sheekh oo qorshe la yaab leh ku joojiyay Shirkii looga horjeeday ee Beesha Hawiye

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorshe la yaab leh oo aan hore loo arag ku joojiyay shirweyne ay abaabuleen

waxgarad iyo odayaal ka tirsan beesha Hawiye oo looga horjeeday siyaasadda Xasan Sheekh iyo arrimaha doorashadooyinka 2016.

Shirkan oo ayaa madaxweyne Xasan Sheekh amar  ku bixiyay in la joojiyo shirkaasi maahee in hotelka xaalad amni oo halis ah la geliyo, taasoo keentay in saraakiisha NISA ay tagaan Hotelka, una sheegaan in xaalad amni darteed shirka loo joojiyo, waxaana daqiiqado kadib lagu dhawaaqay in la qabtay gaari ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa oo lagu weerari lahaa Hotleka shirku ka dhacayay ee Maka Almukarama.

Shirkan oo ay soo abaabuleem waxgarad ay ugu horeeyaan Boqor C/llaahi Geedi Shadoor iyo  Nabadoon Abuukar Ganey ayaa ujeedkiisu ahaa in beesha uga doodo meesha uu dhigay madaxweyne Xasan Sheekh intii uu xilka hayay, iyo dhibaatooyinka masiiriga ah ee Beesha kasoo gaaray Xasan Sheekh taladiisa.

Ma aha markii ugu horeysay ee shir ka dhici lahaa Muqdisho uu is hortaago Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la xusuustaa inuu u adeegsaday NISA shir ay lahaayeen Beesha Mudulood oo ka hadleysay Qaabka Doorashada iyadoo shirkaasi lagu kala diray dadkii ka qeyb galay hotelka Naasahablood 2.

Waxaa kaloo ciidamada NISA oo u adeegayay madaxweyne Xasan Sheekh ay garoonka Muqdisho ka celiyeen Nabadoon C/llaahi Geedi Shadoor oo u socdaali rabay Shir ka dhacayay Gobollada Dhexe iyagoo muddo kooban xiray kadibna fasaxay.

Xaqa isu imaadka iyo shirarka waxay ka mid yihiin xuquuqda uu damaanad qaadayo Dastuurka KMG ah ee dowladda Federaalka ku dhisan tahay, waxayna tani caddeyn kale u tahay sida Xasan Sheekh u adeegsanayo hay’adaha dowladda inuu ku caburiyo odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka aan isaga taageersaneyn.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON