Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay khudbad uu dhowaan madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka jeediyay xarunta degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Isagoo ka hadlayay xafladda Daahfurka xisbiga Himilo Qaran ayuu Xasan Sheekh ka sheegay in dalkan ay heysato dhibaatadii laga dhaxlay kelis talis gacan bir ah dalkan ku soo qabtay, wuxuuna yiri: “Dalkaan hoggaamiye xoog badan iyo shacabka oo gacan bir ah lagu qabto. afkana la qabto waa tan maanta 30 sano na dhigtay, fidnadii ka dhalatayna weli waa socotaa”.
Mar uu ka hadleyay xoriyadda hadalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee dhaliila dowladda ayuu yiri: “Dadka waa hadlayaan, haddii laga hor istaagan si walboo ay ahaato waa isu tegayaan, haddii qaranka wax kasoo horjeedo laga hadlana qaran dumis in la yiraahdo waa af-qabasho iyo waxaan raali laga noqoneyn, dhaqan suubanna ma ahan”.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisii degmada Wardhiigley ku sheegay inay siyaasiyiin qabyaalad huwan ka horjeedan dowladiisa, isagoo ku hanjabay qofkii dowladnimada ka hor timaada inay gacan bir ku qabanayaan.