Sunday, June 22, 2025

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida oo shaacisay Dadkii ka danbeeyay dilka Sheekh Caan ka ahaa Gaalkacyo

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta shaacisay Magaca askarigii ka dambeeyay dilkii 17/5/2021 loogu geystay Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Xeer ilaaliye Ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa sheegay in guddi Saraakiil baarayaal ah oo ka socda Xeer ilaalinta maxkamadda & CID-da loo diray degaanka uu dilka ka dhacay, dilkasina uu ku caddaaday in uu ka dambeeyay Dable Cabdixakiin Cabdisalan Aadan oo ka tirsan Ciidanka Saldhiga Booliska Gaalkacayo.

Gacan-ku-dhiiglaha waxaa dilka gacan ay ku siiyay eedeysanayaasha kala ah: ina Saciid Cabdi Xiddig iyo Ina Baalbaal, oo falka dilka kadib u baxsaday dhanka degmada Galodogob ee Gobolka Mudug.

Ad

Xeer ilaalina maxkamadda ayaa kiiskan kasoo saaray go’aamadan:

1: In Hay’adaha amniga Maamulada Puntland & Galmudug inay soo qabtaan eedeysanayaasha sare ku xisan, iyaga oo fulinaya Amarka Maxkamadda Ciidamada.

2: Hadii eedeysanayaasha aysan Maxkamadda hor-imaan ama aan la soo qaban muddo laba Bilood gudahood ah in Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu  u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Galdacwadeedka eedeysanayasha, lana bilaabi doono dhageysiga kiiskooda lana xukumi doono, iyaga oo maqan.

- Advertisement -

3: In sidoo kale Guddiga ay u soo baxday in Saraakiisha Booliska ee qeybta Gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON