Thursday, June 8, 2023

Xeer ilaalinta oo Dacwad kusoo oogtay Shirkad Ajnabi ah iyo Maareeyaheeda Soomaaliya

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa Qoraal ay soo saartay ku shaacisay Dacwad ay kusoo oogtay Shirkad Ajnabi ah iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya oo lagu eedeeyay denbiyo kala duwan.

Qoraalka kasoo baxya Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in shirkadda AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya lagu soo eedayay denbiyada kala ah lacag dhaqis, la baxshasho canshuur iyo ku xadgudubka Xeerka shirkadaha ee Dalka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XEER ILAALINTA

Ad

15/05/2023 WAR-SAXAAFADEED

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu baaris ku sameeyay shirkadda AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya marka ay soo gaartay warbixin denbi oo la xiriirta shirkadda.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay si waafaqsan qodobka 71aad ee XHCS eed lid ku ah shirkadda AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya oo shirkad ajnabi ah kuna eedaysan denbiyada kala ah lacag dhaqista, la baxshasho canshuur iyo ku xadgudubka Xeerka shirkadaha ee Dalka.

- Advertisement -

Xafiisku waxa uu Maxkmadda ka codsaday in la soo muddeeyo dhagaysiga dacwadooda, si loo gudda galo Maxkamadaynta.

Xafiisku waxa uu bogaadinayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida joogtada ah ula soo wadaaga Xafiiska warbixinadda denbiyada ayaga oo soo wacaya 4949 ama ku soo diraya info@ago.gov.so. Ugu danbayn, xafiisku waxa uu u digayaa dhamaan shirkadddaha ajaan- ibta ah ee Dalka ka howl galaya ee aan u hoggaansamin Xeerarka Dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!